shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gabooyahu waa Kuwee?

(Soomaaliya,  January  11,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa mahad leh Allaha maamulka koonkani gacantiisa ku jirto,Marka laga hadlaayo Soomaalida waxaa la yiraahdaa waa dad wadaaga waxyaabo badan sida Afka ,diinta, dhaqanka taas macnaheedu waxaa weeye waa hal reer waxaana looga baahan yahay inay ka muuqato siday isula dhaqanto.taasi waa mid aad uga fog markaad cadawtinimada dhex taal iyo sida aanu reerna reer waxba ugu ogolayn.

Haddii aad eegtid wadamada inla deriska ahi waxay ka samaysmeen bulshooyin kala Diin,Af iyo dhaqan ah hadana waxay isu hayaan  is qaderin iyo midnimo, ka soo qaad Kikuuyada, Iyo Masydu waa kala duwan yihiin markaad eegto waxyaabo badan haddana xaquuqda wadanka waa u siman yihiin,Haddii aan u gundadego mawduuca sheekadan Gabooyahu waa kuwee? Runtii waa su'aal aan dad badani jeclayn in la weydiiyo waxayna ka jeclaan lahaayeen inaan wax ka qaro dadyow kale waxaanse akhriste kasta ka codsanayaa inuu daqiiqado dareenkiisa i siiyo.

 

Gabooyahu waa dad soomaali ah,waxaa lagu qiyaasi karaa markaan yareeyo inay yihiin 40% mujtamaca dega geyiga laga helo inta afsoomaaliga ku hadasha,waa dad laga helo degaan kasta oo soomaaliyi degto kamase muuqdaan intooda badan,waa dad lafdhab u ah Bulshada loomase aqoonsana,wax xaquuq ah kuma laha meelaha ay degan yihiin sida waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka iyo  shaqada dhamaan  Geyiga  soomaalidu degto.waa dad u qalma inay qabtaan shaqo kasta loomase ogola.

 

Waa dad nabadeed kama qayb qaadan dagaaladii soomaaliya waxaase jirta meelo iyaga tacdiyo loogu geystay.Sidee ayey  noqonaysaa shucuurta qofka wadanka kula degan bixiya cashuurta iyo wax walba oo loogu adeegaayo bulshada balse ka qatan xaquuqdii uu ula  sinaa muwaadiniinta kale taas oo ku waayey Halbeega soomaalidu wax ku cabirto oo ah reer Hebel,culayska bulshadan ka haysta mujtamaca dhexdiisu ma aha mid la soo koobi karo waxaan dadkan ugu yeeraa Muwaadiniinta aan xaquuqda lahayn,waxaa Aabe walba oo Ajiga ka mid ah kula dardaarmaa inuu gabooye xiriirkiisa iska ilaaliyo taasi oo ubadku bilaa su'aal ku fuliyaan.

Ilaahay waa ogyahay dulmiga dadkani qabaan Adduunkuna waa aqoonsan yahay waqtigan xaadirka ah. Dadka  oo soomaalida ah ayaa is weydiiya maxay dhibta soomaalidu u dhammaan weyday? waxay u dhammaan weyday dulmiga dhexdeena ee dhammaan la', waxaa taas dheer dulmigan waxaa loo safriyey meelaha soomaalidu tagtay ee wadamada debeda ah waad aragtaan dabka ka oogan meel walba oo koox soomaali ahi isugu timaado.dab baana ka bilaabma.

 Ma gartaan inay dulmiga iyo is xaqiraada dhexdooda ah joojiyaan Allena u noqdaan, dulmigan waa xubno ka ah Salaadiinta , Culimada diinta , Aqoonyahanka iyo dabaqad walba oo bulshada ka mid ah...Dhamaan degaamada ee maamul ka jiro dadkan cidi ma tirsato, kuma laha xubno dawlada wasiir, Garsoore,T aliye ciidan, Gudoomiye Gobol, gudoomiye Degmo xataa mid tuulo, golayaasha  cidi uguma jirto taasi waxay la mid tahay ma jirtaan, waxaa hubaal ah inta cadaalad darada sidaas ahi jirto in aanay nabadi iman doonin degaan qof soomaali ahi u hoydo.waxaa dhacda mararka la qabanaayo doorashooyinka degaamada,iyo kuwa qarankuba in codkooda ay ku xisaab qaataan reerka sheegta degaanka ay degan yahiin,xataa haddii ay codkooda dhiibtaan,.Haddaba waxaa fiican in MaaMul goboleedyada  somaliland iyo Puntland Ha ii dambayso koonfurta oo looga Yaqaan erayga ingiriisida ah ee (OTHERS) waa in labada maamul ee hore   waa sameeyaan qodobadan si  loo abuuro cadaalad billow ah  waana in  la fuliyo.

 
1-waa in dib loogu naqdo Dastuurada maamuladu samaysteen laguna daraa qodobada damaanad qaadaaya xaquuqda dadka laga badan yahay,waa in la siiyo koonto ama tiro qorshaysan,golayaasha degaamada, Tuulo, Degmo, Gobol iyo qaranba.xubnahaas oo aan wax tartan ah gelayn.

 

2-waa in lagu taageero Deeqo waxbarasho gudaha iyo debedaba waana in masuuliyadaas ay dawladu qaadato waayo dadkani waa mu'waadiniin wadanka wax ku leh cashuur bixiya balse aan codkooda la dhegaysan.

 

3-waa in Culimada diintu dadka uga digaan dulmigan una sheegaan inaan aakhiro lagu kala sarayn reer Hebel oo ah Halbeegeena!

 

4- waa in la abuuro wasaarad qaabilsan xaquuqda muwaadiniinta dulman.

 

5- waa in laga fogaado in loo dooro dadka reerahan maamulaaya,ha la weydiiyo waxa dawada u ah.

 

6- waa inay joogto cid meteshaa, wasaarad walba,waayo waa ognahay in wasaarad walba lagu xisaabiyo ininka wasiirka ka ah reerkiisa, waxaad marar badan arkaysaa wasiir ka doodaaya wasaarad aan dhadhan lahayn.

 

7- waa in loo fuliyo qodobadan iyo waxii  aan ka tegay ee ay ku abuurmi karto busho ka fog waxii Ilaahay inaga reebay oo aan ognahay in markaad quraanka akhridid Aayad walbi ku soo aroorayso waxyaabo dhaqan.waana sida ay cadaalada iyo horumarku ku imanayaa,

 

Gebagebada waxaan ka digayaa in ay ummadeena dulmiga dhex yaal  uu gacanta u gasho cid aan soomaali ahayn intii laga fursan karo,haddii aan garanwayno cadaalada iyo sinaanta waa Hubaal in la inoo talin doono iyadoo ay dadyow kale kiisaskeena gacmaha ku hayaan,xaaladaas oo aynaan wax go'aan ahi faro inoogu jirin.ugu dambayn waxaan ku soo gebagebaynayaa waqtigii aamuska Gabooyahu inuu dhamaada.
waa qalinkii Hussein Dualeh dahir  Daahirjama@yahoo.com
Somali minorties Activist

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com