Walxaha Qarxa oo saaka lagu
arkay labo xaafadood oo kamid ah magaalada Laascaanood.
(Laascaanood,
January 26, 2010 Ceegaag Online)
Wararka
maanta naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya
in magaaladaasi saaka labo xaafadood oo kamid ah lagu
arkay
waxyaabaha qarxa, sida ay Ceegaag Online u xaqiijiyeen
goobjoogayaal kusugan isla magaaladaasi, iyadoo dadkii
deganaa xaafadahaasi ku waabariisteen mucjisadan aysan
waligood arkin, dadka ayaa waxaa isugu yeedhay ciidamada
booliska magaalada laascaanood ee maamulka Somaliland
kadibna halkaasi maanta duhurnimadii kaga Qayb qaatay ilaalo
xoogan oo laga ilaalinayo inay shacabka iyo dadka rayidka
ahba ku dhawaadaan.
Lama oga ilaa
iyo hada cida Qaraxyadaasi dhigtay xaafadaha kamid ah
magaalada laascaanood waxaana socda baadhitaan xoogan oo ay
wadaan Ciidamada amaanka magaalada laascaanood, mana jiro
cid ilaa iyo iminka loo qabtay qaraxyadan iyo dilalka
qorshaysan ee magaaladaasi ku soo badanaya waxna sii xumaana
amaanka magaalada laascaanood.
Walxani Qarxa
ee maanta lagu arkay xaafado kamid ah magaalada laascaanood
ayaa ku soo beegmaya xili maalntii shalayto magaalada
laascaanood uu ka dhacay Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac
oo aanay ilaa iminka jirin cid loo qabtay qaraxyadaasi.
Dhinaca kale dadka ku dhaqan Magaalada laascaanod ayaa
sheegay in magaalada ama guud ahaan Gobolka Sool uu hada
kujiro xaalad ka daran ta Magaalada Muqdisho ee caasimada
Somalia.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |