shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wararkii Maanta ugu dambeeyay Deegaamada SSC iyo Wariyaha Ceegaag Online Cali dhagjar Dhageyso

(Buuhoodle,  January  19,  2010 Ceegaag Online)

Halkan Ka  dhageyso Wararkii Maanta iyo Wariye Cali Osman Yuusuf

Kadib markii maalintii shalayto magaalada boosaaso uu soo gaadhay Garaadka guud ee goblada SSC Garaad Jamac Garaad Cali ayaa maanta waxaa garaadka Casuumaad balaadhan loogu sameeyey Hotelka Panaroma ee Garaad Jaamac ka degan yahay magaalada Boosaaso.

Waxaana Garaadka Jaamac garaad cali maanta Casuumay Isimada gobolka bari waxaana casuumaadaasi oo ay ka soo Qayb galay xubnaha Wasiirada Puntland, ganacsato, siyaasiyiin, madaxwaynihii hore ee dawlada Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) iyo aqoon yahay iyo marti sharaf kale.

Casuumaadaasi kadib ayaa waxaa halkaasi hadal dheer ka soo jeediyey Garaad jamac garaad cali oo ka waramay safarkiisii dibada iyo waxyaabihii u soo Qabsoomay waxaana kaloo halkaasi ka hadlay Isimada gobolka bari, Madaxwaynihii hore ee Puntland iyo qaar ka mid ah ganacsatada gobolada SSC.
 
Hadaba Shabada Wararka ee Ceegaag online ayaa taleefoonka magaalada Boosaaso kula xidhiidhay Xuseen Maxamed aadan( dhalan dhool (oo ah ganacsate siwayn looga yaqaano gobolada Puntland gaar ahaan SSC Ganacsi xoogana ku leh magaalada Dubai.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Xuseen Maxamed Aadan Dhalan Dhool

****************************************************************************************************************************************

War deg deg  ah ee ku soo dhacaya Xafiiska warqabadka Ceegaag Online ayaa sheegay in daqiiqado ka hor gudaha Magaaladan Boosaaso lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Dowlada Puntland.

Kooxo Hubeysan oo aan Heybtooda la aqoon ayaa rasaas ku furay Xildhibaan Max’ed Cabdi Jibriil oo ku sugnaa goob Meherad ah oo uu ku lahaa bartamaha Magaalada Boosaaso.

Xildhibaanka ayaa loola cararay Cisbitaalka Magaalada Boosaaso halkaas oo uu ku nafwaayay sida Ceegaag Online ay u xaqiijiyeen goobjoogayaal ayaa sheegaya in gacanta lagu hayo Qaarkamid ah ragii falka geystay, Xildhibaankan la dilay ayaa ka Soo Jeeda magaalada Buuhoodle waxa uuna ahaa Xildhibaan siwayn looga yaqaabo Gobolada Puntland

***********************************************************************************************************************************

Dhinaca kale Waxaa Maanta duhurnimadii shil baabuur uu ka dhacay duleedka magaalada buuhoodle, waxa shilkaasi uu ka dhacay dhinaca bariga ee buuhoodle, shilkaasi kadib ayaa Ceegaag Online maanta booqatay goobtii uu gaadhi ku Qalimay waxana shilkaasi uu yimid kadib markii gaadhigu soo galay goolad isagoo ku soconaya Xawli aad ah taas oos ababtay in gaadhigu uu is rogo afar jeer.
 
Shilkaasi ayaan maanta Cidna wax ku noqon waxa gaadhiga saarnaa dad farabadan oo rakaab ah oo la socday iyadoo gurmad dadwayne aad u farabadan oo magaalada buuhoodle ka baxay ay isla goobtii gaadheen kadina gaaddhiga soo toosiyey dadkiina soo Qaaday la socday gaadhiga dhacay.

Daawo Sawiradda

Cali Osman Yusuf (Cali dhagjar)

calidhagjar@hotmail.com

Buuhoodle

 


webmaster@ceegaag.com