Wararkii ugu dambeeyey ee
Holhol iyo Gaadhigii Garaad Jaamac oo Laascaanood dib ugu
soo laabtay.
(Laascaanod,
January 24, 2010 Ceegaag Online)
Wariye Cali Osman
Yuusuf (Cali Dhagjar)
Kadib markii
maanta magaalada garoowe ee Xarunta dawlada puntland ay ka
anba baxeen dhamaan Isimada SSC oo ku sii jeeday deegaanka
Holhol ee gobolka sool ayaa ilaa maanta duhurkii waxaa soo
baxaya warar sheegay in Ciidamo somaliland ah ay maanta
Qabsadeen deegaanka Holhol ee lagu waday inay ku shiraan
Isimada SSC.
Hadaba Ceegaag Online oo ilaa maanta warkaasi insha kuhaysa
ayaa Wararkii ugu danbeeyey ee hada ku soo dhacay Xafiiska
Warqabadka Ceegaag Online ee Magaalada Buuhoodle ay
sheegayaa in goordhawayd oo Caawa ah magaalada laascaanood
uu soo gaadhay gaadhigii khaaska ahaa ee Garaad Jaamac
Garaad Ismail ducaale oo ka soo galay dhinaca deegaanka
Holhol waxba gaadhigaasi ku soo buuqay dhamaan shacabka
magaalada laascaanood waxna wadihii gaadhigu uu sheegay in
deegaanka hol_hol gacanta kuhayaa Ciidamada somaliland
Isimadiina SSCna ay kusuga yihiin ayna diideen inay
magaalada Holhol ka baxaan.
Hadaba Ceegaag online ayaa taleefoonka magaalada Laascaanood
Caawa kula Xidhiidhay goob jooge kusugan magaaladaasi oo
waraystay darawalkii gaadhiga Garaad Jaamac Garaad Ismail
iyo wararkii ugu danbeeyey ee deegaanka Holhol. Halkan ka
Dhageyso
Wixii Warar
ah oo faah faahsan kala socda
Ceegaag
Online
Cali
Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |