Dowladda Ingiriiska oo
ku guuldaraysatay Badbaadinta Lamaane Britishka ah.
(Xaradheere,
January 2, 2010 Ceegaag Online)
Ciidamo
si gaar ah u Tababaran oo British ah ayaa isku dayay inay
soo Badbaadiyaan Lamaane British ah oo kooxo Burcad badeed
ah ku haystaan Xeebta Degmadda xarardheere oo Saldhig hadda
u ah Shuftadda Badda,Laanta warbaahinta Britishka ayaa
Maalinti shalay ahayd sheegtay in Dooni Gaar ah oo Ciidamo
Kamandoos ah saaranyihiin loo diray Halka ay Burcad badeedu
ku haystaan Lamaanaha Britishka ah Paul iyo Rachel chandler.
Ugu
dambayntii Doonida Britishka ah ayaa soo gaartay Meel u dhaw
halka ay Burcadu ku haystaan Muwaadiniinta Britishka ah,hase
ahaate Cilad farsamo oo ku timid doonta ayaa keentay inay
dib u soo noqoto, Doonidan Ciidan ee la doonayay in lagu soo
badbaadiyo Paul iyo Rachel Chandler ayaa haatan la joogta
Markab ay leeyihiin Ciidamadda Britishka ah ee ku sugan
Xeebaha Badweynta Hindiya.
Lamaanahan Britishka ah ayaa kooxo Burcad badeed ah ka
afduubeen Badweynta Hindiya 23-October-2009 iyagoo wata
Dooni dalxiis kuna sii jeeday Dalka Tanzania,Burcad badeeda
ayaa isla wakhtigaasi Dalbaday Lacag madaxfurasho ah
inkastoo Dowladda Britain ay dhegaha ka furaysatay Dalabka
Burcad badeeda Soomaalida ah.
Labadi
sano ee ugu Dambeeyay xeebaha Soomaaliya waxaa ka dhacayay
Weeraro isdabajoog ah oo ay Qaadayeen Kooxaha Burcad badeeda
Soomaalida,Taasina waxay keentay in Midawga yurub iyo
Maraykanku Maraakiib dagaal u soo diraan Xeebaha Badda cas
iyo Badweynta Hindiya oo dhaca halka ay Soomaaliya kaga
Taalo Gobolka Geeska Africa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |