shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab Xoogani oo haatan sitoos ah uga da'aya magaalooyinka Xamar-laguxidh, Balicad, Kala-baydh

(Hawdka Sare ,  March 15,  2009 Ceegaag Online)

Roobabkii guga ayaa caawa markale siwayn uga curtay deegaano magaalada buuhoodle dhinaca bariga kaga beegan oo caawa roobab mahiigaani siwayn magaalooyinkaasi caawa u maansheeyeen sida dad goob joogayaal ahi goordhawy ceegaag online warkaasi u sheegeen.
 
Magaalooyinka Caawa roobabkani sida wayn ugu hooreen waxaa kamid ah magaalooyinka Xamar lagu xidh balicad, kala baydhay iyo magaalooyin kale oo magaalada buuhoodle dhinaca bariga kaga beegan oo roobab mahiigaani ahi caawa maansheeyeen
 
Ceegaag online ayaa dhamaan magaalooyinkaasi goordhawayd taleefoonka kula xidhiidhay waxna goob joogayaal madaxbanaani Ceegaag online u sheegeen inay roobabkani yihiin kuwii ugu xoogan badnaan ee magaalooyinkaasi horoora waxna magaalooyinkaasi wadooyinka Xidhay daadad farabadan oo roobabkani Caawa ka dhacay ku hooray magaalooyinka katirsan buuhoodle
 
Wararka Raxmaadka Wax ii ka soo kordha kala soco Ceegaag Online
Ali dhagjar
Ceegaag online
Buuhoodle
Email calidhagjar@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com