Xuska Maalinta Haweenka ee 8
March oo laga xusey magaaladda Kampala ee dalka Uganda.
(Kambala
March
09, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa maanta si habsami ah loogu qabtay munaasabad lagu
maamuusayo xuska maalinta Haweenka ee ku beegan 8 Maarso
Magaaladda Kampala ee Dalka uganda iyadoona ay ka soo
qeybgaleen marti sharaf kala duwan iyo haweenka gaaraya ku
dhowaad 100 Haween kuwaasi oo ay ka muuqatay sida ay ugu
faraxsan yihiin munaasabadani weyn oo maanta lagu qabtay
gudaha dalka Uganda.
Xafladani oo ahayd mid lagu maamuusayey 8 maarso oo ku
beegan maalinta haweenka aduunka ayaa waxaa soo qaban
qaabiyey ama fuliyey Mashruuca Horumarinta Nabadda
Soomaaliyeed ee Somali Intitiative for Peace and Development
(SIPED) iyo Pan African Development Education and Advocacy
Programmess (PADEAP) iyo weliba Young African Refugees and
Development waxaana ka soo qeybgalay madax ka socatay
ururadaasi iyo weliba Wasiiradii Hore ee Arimaha Dibadda
Dalka Sudan iyo Agaasimayaal iyo madax qeybeedyo kala duwan.
Ugu horeyntii waxaa nadasha xafladaasi ka hadashay Maama
Khadiijo Saciid Gurxan oo iyada ahayd (Madam Caydiid) oo
hatan ah Gudoomiyaha Ururka SIPED ee Dalka Uganda iyadoona
ugu horeyntii haweenka soomaaliyeed oo halkaasi isugu yimid
u jeedisay amaan iyo hambalyo la xiriirta xuska maalintani
lama ilaawaanka ah ee ku beegan maalinta Haweenka aduunka ee
8 March taasi oo meelo faro badan laga xusay maanta iyadoona
qirtay in ay haweenku yihiin lafdhabarta bulshadda haween
la'aantoodna aan la noolaan karin iyadoona haweenka
soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo
kala danbeynta meel weliba oo ay aduunka ka joogaan ugu
danbeyntiina maamo Khadiijo oo ah iyadda qofka soo qaban
qaabiyey munaasabadani weyn ayaa waxa ay haweenka ugu
baaqday in ay had iyo jeer isku duubnaadaan islamarkaasna ka
hortagaan wax weliba oo dhibaato keeni kara.
Xafladani oo ahayd mid aad u balaaran islamarkaasna ay ka
soo qeybgaleen haweenka ku dhaqan dalka uganda ayaa waxa
kaloo halkaasi ka hadley Micheal Maphiya oo isaga ah
Agaasimaha PEDEAP ee dalka Uganda isagoona uga salaan iyo
boogaadan ku aadan xuskani halkaasi uga soo jeediyey
haweenka soomaaliyeed oo ah kuwo dhibaatooyin faro badan soo
marey mudadii ka danbeysay dawladii hore ee Jaale Maxamed
Siyaad isagoona tibaaxay in dumarku ay leeyihiin xuquuda
raga mid ah la mid ah islamarkaasna ugu baaqay bulshadda
caalamka in aan la takoorin haweenka.
Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadley Agaasimaha Waaxda
Horumarinta ee Ururka Islaamka isagona halkaasi isna salaan
ku aadan munaasabadani uga soo jeediyey haweenka isugu yimid
nadasha shirkaasi.
Munaasabadani weyn oo ku beegan maalinta haweenka aduunka ee
8 march ayaa waxa ay noqonaysaa markii ugu horeysay oo laga
xuso dalka uganda iyadoona ay maanta isku xilqaameen in ay
xusaan xuskani oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh haweenka
soomaaliyeed haweenka ku dhaqan qurbaha dalkani Uganda
iyadoona halkaasi lagu soo bandhigay heeso iyo cuyaaro iyo
majaajalooyin ka turjumaya maalinta haweenka ee 8 March
iyadoona ay halkaasi heeso macaan ku soo bandhigtay
Fanaanada Muslimo Qaasim Hilowle, waxaa kaloo iyana sidaasi
si la mid ah ciyaaro xiiso badan ku soo bandhigay dhalinyaro
reer Uganda oo iyaga halkaasi ku soo bandhigay mucjisooyin
layaab leh.
Daawo Sawirada
Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-mail
Xuseen339@hotmail.com
Kampala Uganda
webmaster@ceegaag.com |