Reer Gedo Colka Jooja, Dullaankana
Cagta u Dhiga.
Diyaarinta qoraalkan waxa ay
igu dhalatay kadib markii diyaar garwga ay reer Gedo ugu jiraan
duulaan ay ku qaadaan magaalada Kismaayo uu gaaray meeshii ugu
sareysay iyada oo ujeedada duulaankooda lagu soo koobi karo:
1-
In beeshu soo ceshato qabkeedii siyaasadeed ee dhaawacmay
kadib markii si farsameysan gacanteeda looga saaray awooddii buuxday
oo aan lala wadaagin oo ay magaalada ku laheyd.
2-
In la soo celiyo karaamada hogaamiyihii Isbahaysiga Dooxada
Jubba oo ay beeshu u haysay abaal ballaaran, inkasta oo arinkan ay
hareeyeen waayadan dambe su’aalo badan kadib markii hogaamiyuhu
dagaalo la galay dhibaatooyina u geystay xubno firfircoon oo beesha
kamida iyo taageerayaashoodaba.
Waxaan ka hadal laheyn maadaama uu dalku ku sugan yahay xaalad
xasilooni daro iyo qulqulatooyin siyaasadeed ah in ciddii dareenta
in masaalixdeedii khatar ku jirto ay u guntado sidii ay masaalixdaa
ku difaacan laheyd siyaasad ahaan iyo milatari ahaanba, waana tan
keentay in beesha Sade ay dagaal u guntato markii lagu bahdilay
magaalada Kismaayo bartamihii iyo dabayaaqadii sagaashameeyadii,
laakiin waxaa is weydiin leh in dagaalku yahay xalka keliya ee lagu
difaacdo masaalixda aad leedahay xilli kasta, iyo in ay jiraan
wadooyin kale oo aad wax ku difaacan karto.
Haddii aan dib u milicsano
taariikhda dhaw, beesha Sade waxa ay hormuud u aheyd hogaankii
xukuumaddii milateriga aheyd ee ka jirtay Soomaaliya 1969-1991,
waxayna kaalin firifircoon ka qaateen xubnaha beeshu difaacii
midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, hase yeeshee
markii burburkii ku yimid dawaladdii dhexe ee Soomaaliya beesha
waxaa soo waajahay xaalad siyaasadeed cakiran, taasoo ah in ay hor
timid labo masa’lo oo u baahnaa kala doorasho:
1-
In ay difaacadaan masaalixdooda siyaasiga ah iyaga oo ah beel
kamida beelaha Soomaaliyeed.
2-
In ay soo celiyaan karaamadii Alle ha u naxariistee Gen.
Maxamed Siyaad Barre, Madaxweynihii Qaranka Soomaaliyeed.
Haddaba labadan mas’alo waxaa u kala
guntaday u ololeyntooda siyaasiyiintii iyo waxgaradkii beesha Sade,
waxaana la xasuustii sidii siyaasiyiintii u ololeynayay qodobka 2aad
oo ah in Madaxweynaha lagu celiyo Villa Somaliya ay uga awood
roonaadeen qoladii kale ee is tustay in Madaxweynuhu lahaa waqti,
waqtigiisiina uu soo qaatay, aysana muuqan fursad kale oo u harsan,
lama huraana ay tahay in la xeeriyo maslaxadda guud ee beesha oo
laga shaqeeyo sidii la isugu xiri lahaa oo ay danaheeda u difaacan
laheyd iyada oo ah beel kamida beelaha Soomaaliyeed.
Sida
la xusuusto guushii raacday qolyihii u ololeeynayay in la soo celiyo
karaamada Madaxweynaha waxa ay ku dhamaatay in beeshu qaaddo labo
duullaan oo waaweyn khasaarihii ka dhashayna ilaa manta laga
sheekeeyo, iyadoo duulaankii labaad wixii dhimasho iyo dhaawac iyo
khasaare hanti ahaa marka laga soo tago 400 oo rag ah oo u dhashay
beesha Sade maxaabiis ahaan loogu qabtay dagaalkii ka dhacay Mukayga
Afgooye, kaasoo uu hogaaminyay Col. Barre Aden Shire “ Hiraale”,
waxaa intaa dheeraa in dhamaan deegaanada gobolka Gedo ay gacanta u
galeen isbahaysigii SNA ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Gen.
Maxamed faarax Caydiid.
Haddaba maanta oo ay beeshu marayso
marxalad lamida tii 1991 waxaa lama huraan ah in aan lagu degdegin
duulaan la qaado, ee bal marka hore si dhab ah loo fekero oo la
raadiyo wadooyin looga fursan karo in dagaal lagala hortago xoogaga
maxkamadaha Islaamiga ee la wareegay talada Kismaayo sida ay ula
wareegeen awooddii magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kalaba.
Si
haddaba ay u sahlanaato in fekerkeenu nagu hogaamiyo in aan ka
baaqsano dagaal aan hubo in caaqibadiisu ay aad u xuntahay kana
darnaan doona kii 1991, waayoo xilligan waxaa magaalada Kismaayo ku
suga boqolaal dagaalyahano ah oo u dhashay beesha Sade oo ka tirsan
xoogaga maxkamadaha Islaamiga ah, iyadoo isku dhaca dhex mara
ciidamada Sade ee ka soo duulaya Gedo iyo kuwa ku sugan Kismaayo
natiijadeedu ay tahay nuqsaan iyo burbur ku yimaada xoogga beesha
Sade, iyadoo aan la socono in beesha Sade ay ka soo baxday xiligan
dagaalo dhexdeeda ah iyo kuwa beelaha ay oodwadaag la tahay ah.
Ka baaqsashada ayaa waxa ay ka
dhalanaysaa in marka hore aan ka jawaabno su’aasha ah, sababta aan
duulaanka ugu qaadeyno Kismaayo waa maxay?, haddii jawaabtu tahay
waa in aanay beesho waayin xuquuqdii madiniga aheyd iyo tii
siyaasiga aheyd ee ay degaanka ku laheyd waa in aan baaritaan iyo
diraasad ku sameynaa arinkaa oo aan eegnaa kaalinta beeshu kaga
jirto maamulka ay maxkamaduhu dhiseen ama xooga ay beeshu ku
leedahay hogaanka maxkamadaha ee deegaanka, dabadeedna ay beeshu ka
tashataa wixii ka soo baxa baaritaankaas.
Hadiise jawaabtu noqoto in la soo celiyo karaamada hogaamiyihii
beesha Col. Barre Aden Shire “ Hiiraale”, si uu uu hogaamiye uga sii
ahaado magaalada, waxaan qiyaasayaa in fursadaasi dhamaatay, oo
aanay dib u soo noqon doonin, lana mid tahay tii 1991 ee Gen.
Maxamed Siyaad Barre. Sidaa darteed waxa ay taladeydu tahay in loo
mahad celiyo Col. Barre, loona duceeyo kaalintii uu ka soo qaatay
soo dhicinta xuquuqda beeshu ku laheyd Kismaayo, lagana codsado
inuusan isku laynin beesha Sade, oo sharaf weyn u haysa, magaciisa
iyo taariikhdiisana aanu iska wasakheyn.
Ugu dambeyn haddii isbedalada dhacaya ay noqdaan qaar keena
xasilooni iyo kala dambeyn oo mashaakilka Soomaaliya haysta halkaa
ku dhamaadaan iyadoo beesha Sade ka baaqsatay dagaal ay la gasho
xoogaga maxaakimta Islaamiga ah, beesha iyo hogaamiyaheeduba waxa ay
noqon doonaan dad sharaf mudan, qeybna ka qaata hogaanka mustaqbalka
ee dalka. Haddii fashal dhaco oo Soomaaliya ay ku sii jirto
xasilooni la’aanta iyo xasaradda siyaasadeed, dibna loogu laabto
dagaaladii qabaa’ilka, beesha iyo hogaamiyaheeda ayaga oo isku
duuban ayeey difaacan doonaan masaalixdeeda, sidaa daraadeed reer
Gedoow colka jooja, oo duulaanka cagta u dhiga, waxaa laga yaabaa in
taladan ay dad badan ka careysiiso, laakiin waa mid hor Alle iyo
habeenkii aakhiro ah, haddii maanta la maqli waayana maalin danbe
unbaa la soo xusuusan doonaa.
Maxamed Gaarshireedle.
gaarshireedle2000@yahoo.co.uk
webmaster@ceegaag.com |