shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 
AW JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA
  • Waxaa qorey: Cabdullahi Xasan Maxamuud (Cabdullahi Spanish)
    Madrid, Spain


    LafooleWaxaa tafatirey: Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Lafoole)
    Minneapolis, Minnesota
    Email: lafoole100@yahoo.com

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad  | 5aad |

Qaybtii 1aad

HORDHAC

Markii qarnigii 19naad gumaysiga reer yurub u tashaday in uu qaaradda Afrika qaybsado wadanka Soomaaliya waxa saancadaalihii kaga soo hagaagey Ingriis, Talyaani iyo Fransiis. Waxa iyana sida abgurida hoos galgalanysey oo dhul iyo bad ay toban qarni oo ka horeeyey awood u weydey hungri ka qabtay taliskii Xabashida. Taliskaasi wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay siduu dhulkaas ku hantiyi lahaa. Wuxuu guud ahaan xoogaggii reer galbeedka ee waqtigaas ku beerlaxowsanayey masiixi nimada iyo diintaa laygu ciilay ee ha la ii hiiliyo. Gaar ahaan wuxu naasnuujin qarsoon ka dalbaday dawladii Ruushka oo ay masiixinimada ka sokow wadaagaan “orthodox” nimada.
Furfurkii ummadda Soomaaliyeed bilowgiisii, saancadaalihii waxay badeheena soo dhigteen maraakiib dagaal oo ay ku baqdin gelinayeen dadyowgii Soomaaliyeed oo ay markaas isa soo gaadheen. Iyadoo markaa awoodna la tusayo, qadhaab loo daadiyo iyo siyaasad maldahan oo marka hore macaan, khiyaamo iyo beense ku salaysanna isticmaalaya.
Dhanka galbeedka waxaa dadkii Soomaaliyeed oo isagu jirey xoola dhaqato ama reer guuraa u badnaa markaa dagaal umula doox ah kaga soo qaaday taliskii xabashida oo walaalihiisii diinta hub iyo dhaqaale aad u xad-dhaafa ka helay.
Dhinaca kalena wuxuu saancadaalihii isku deyey in uu marka hore dadkii Soomaaliyeed uu reer reer uu kala qoqobo (qaybiyoo xukun). Markii uu taa ku guuleysteyna wuxuu bilaabay in uu reer walba si gooni ah ula macaamilo iyagiina cadow isaga dhigo. Taasi waxay dhalisay qarnigii 19naad labaatankii sano ee ugu dambeeyey in uu la galo heshiisyo kala duwan beelihii uu isagu markaa Soomaalida u kala qaybiyey. Si ay heshiisyadaasi ugu hirgalaan oo mawqifka Soomaalidu u debco, reer kasta oo Soomaali ah wuxu tusay ugu yaraan saddex cadow oo aan hore u jirin oo farsamadiisa ah: (1) qabiilladii Soomaaliyeed oo ay jaarka ahaayeen oo uu iska hor keenay, (2) wadamadii reer Yurub oo ay ku wada socdeen in dhulkan la qaybsado iyo (3) Xabashidii oo ay ku hubeeyeen.
Waayeelkii Soomaaliyeed ee markaasi jirey waxa istustay in ay khasab ku tahay, mar haddii dhankii badda laga xidhay oo dhaqaalihii baayac mushtarku ka soo gelijirey la waayey. Isla markaana wadadii hubka oodrogo weyn lagu fadhiisiyey in hadday rabaan in tuurinka la saaray laga debciyo ay khasab ku tahay in ay saancadaalihii horfadhiistaan oo ay ugu yaraan isku dayaan in uusan wuxuu doono ku sandulayn.

Laakiin, inkastoo waayeelkii Soomaaliyeed ay ciddiyaha ku dagaalameen, siyaasad nifaaq ku dhisan oo aysan u bislayna ay isku dayeen in ay wax ku qaybsadaan. Hadana, marka daacadnimo loo hadlo, heshiisyadii waayeelkii Soomaalidu la galeen saancadaalaha reer Yurub qarnigii 19naad dhamaadkiisii, aad iyo aad bay uga aragti dheeryihiin ugana adag yihiin kuwii ay la galeen gumaysiga dadyowga kala duwan ee Afrika iyo Asia. Saas ay tahay, heshiisyadaasi waxay weylaalis aad u balaadhan u gogleen in dalka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigaan, khayraadkiisan ku takriflaan, dadkiisana ay gumaystaan shisheeye ka yimi dhul fog, dhaqan iyo diin iyo dhalanna aan la wadaagin.

Markaynu dib ugu fiirsano, waxaynu odhan karnaa, inkastoo dadka Soomaaliyeed guud ahaan lagu yaqaan xoriyad jecayl, waayeelkoodii waa ka hoostay iyagoo u jeeda bayna xadhigii lagu deldelilaaha wax ka sooheen ka dibna luqunta gashadeen. Waxaana taa ka samatabaxay hal reer, oo isagu dhoolatuskaas iyo hanjebaadii saancadaaluhu cabsigelin weydey. Halkaa reer baa u noqday asaas iyo awood halgankii daraawiisheed oo rubuc qarniga socdey dad, dal iyo maalba. Waxaana hubaal ah haddii uu gacan ka heli lahaa Soomaalida kale ama ay daawadayaal noqon la haayeen in aan layna gumaysteen.
Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu ku dhashay degaankii tiginada looga taagey daraawiish ee xornimada Soomaaliyeed looga dagaalamayey, halgankuna ka hanaqaaday. Inkastoo yaraantiisii iyo barbaarnimadiisiiba ay ku aadanayd waqti gaalo iyo cawaankeed ay dadka ku hayeen gumaysi isugu jira cabudhis afka ah, indhaha oo laga daaho, xasuusta oo laga masaxo iyo maskaxda oo laga gumaysto. Ujeedada ugu weynina ahayd in raadkii halgankii daraawiishta looga tirtiro dunida korkeeda, wax yar ka dibna la gaadho in lagu murmo daraawiish iyo halgankeedii run iyo riyo mid uu ahaa.
Nasiib wanaag waxay taasi u cuntami weydey Aw Jaamac Cumar, oo isagu ka mid ahaa barbaartii markaasi tirtirka la kulantay. Aw Jaamac si aanay ujeedadaasi u hirgelin, isaga oo dhalinyaro ah sanadkii 1955 buu wuxuu go’aansaday in uu arrintaas ka dagaalamo uuna maskaxdii bugtey ee isticmaarka iyo intii hoos joogtey uu kula dagaalamo mid fayow oo ka jid leh. Wuxuu markaa dhinbiil dib u hulaaqisa saaray dabkii intii u dhexaysey 1921-1955 saancadaalaha iyo Soomaalidii gumaysi kalkaalka ahaydna ay biyaha iyo ciidda ku bakhtiinayeen, laakiin halgamayaashii intii ka hadhay iyo Soomaalidii xoriyadda iyo gobanimada jeclayd xusuustooda laga tiri kariwaayey.
Waxaynu qoraalkan kooban ku soo qaadanaynaa, halka Aw Jaamac Cumar Ciise ka galay halgankii gobanima doonka Soomaaliyeed iyo hiilkuu u geystey gaar ahaan raadgurka taariikhdii iyo suugaantii xornimodoonka iyo guudahaan tan Soomaaliyeed.

Si aynu taa u gaadhno waxaynu kashkaash uga dhigaynaa oo ka horaysiinaynaa, Nabarkii kama dambaysta ahaa oo daraawiishi ka kiciweydey iyo xeeladihii uu gumaysigu ugu talagalay tirtirkii dhaxalkooda iyo guudahaan taariikhda, dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed.

Qoraalku waa socdaa ee la soco qaybihiisa danbe.
Waxaa qorey: Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es
Madrid, Spain
Waxaa tafatirey: Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole)
Email: lafoole100@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota

webmaster@ceegaag.com